Dooni Sidday boqollaal Qof Oo Degtay, Inta Dhimatay & Inta Bedbaadday

Congo (HCTV) – Ugu yaraan 30 Qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena waa la la’yahay, ka dib markii Doon ay la socdeen kula Qaraqantay Harada Mai-Ndombe oo ku taalla Waqooyiga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Shilkan ayaa sababtidii la soo dhaafay ka dhacay Harada Mai-Ndombe, gaar ahaan Tuulada  Lokanga.

“Xilli sii horraysay, waxaanu soo saarnay Meydadka 30 Qof, kuwaasi oo kala ah 12 dumar ah, 11 Carruur ah iyo 7 Rag ah..” sidaa waxa u sheegay  Warbaahinta Simon Mbo Wemba oo ah Maayarka Magaalada Inongo.

lama garanayo tirada Dadka saarnaa doonida Degtay, laakiin Masuuliyiintu waxay ku qiyaaseen boqollaal, haddase waxa jira 170 si silic ah uga bedbaaday Shilkaasi.

Doonyada ka shaqeeya Congo sida caadiga ah waxa la saaraa Dad iyo Alaabooyin badan, iyadoo Gaadiidka Doonyuhu yihiin waxyaabaha ugu badan ee la adeegsado.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka