UCID & WADDANI Oo Ku Kala Aragti Duwan Xaaladda Berbera (Akhri)

Berbera (HCTV) – Xisbiyada WADDANI iyo UCID ayaa aad ugu kala aragti duwan Xaaladda Magaalada Berbera ay xilligan ku sugan tahay.

Xisbiga UCID ayaa aaminsan in dhibaato badan ay ka taagan tahay Magaalada Berbera, sida in Masaajiddada Magaalada Badankoodu u xidhmeen Laydh la’aan, markii Maamulku xil iska saari waayay, Huteelladii iyo Meheradihii Dadku ka adeeganayeenna qaarkood xidhmeen, markii Dadkii Magaalada ku noolaa uga guureen Duruufo halkaas ka jira awgeed, laakiin Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa qaba arragti taa aad uga fog.

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Berbera ayaa sheegay in Magaalada Berbera ay ka taagan tahay Xaalad adag, taasi oo ay ka mid tahay Dadweynaha Masaajiddada ku tukada la waydiiyo Lacagtii Laydhka lagaga bixin lahaa Masaajidka, taasina muujinayso sida xaalku yahay.

Mr. Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Magaaladii Berbera waxa xidhan 23 Masaajid, sababtoo ah waxay leedahay cimilo u gaar ah, xukuumad kasta oo jirtaana ay ku tixgelin jirtay, Maamul kastaana uu wax ka qaban jiray markuu la tashado Dadweynaheeda. Xalay Masaajidka uu dhisay Xaaji Shide waxa laga ururiyey 3 kun oo dollar oo laydhkii ah.”

Xoghayaha Arrimaha gudaha UCID, waxa kale oo uu sheegay “Berbera Nin walba wuu iskaga tagay, waxay maraysaa in Dadka Berbera joogaa aanu 5 ama 6 kun ka badnayn, huteelladii baa is xidhay, Tukaamadii baa xidhmay, sababtuna waxa weeyaan Maamul la’aan ka jirta Gobolkan..”ayuu yidhi.

laakiin, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Axmed Cali Faxle ayaa isagoo daba socda hadalka Ramaax uu kaga dayriyey Xaaladda nololeed ee Berbera, wuxuu yidhi “Ramaaxoow adigu Mucaarad ma tihid ee Annagaa Mucaarad ah, Malaha Adiga iyo Ninkii Xisbiga lahaa war iskuma haysaana, Mucaarad ma tihid, Faysal Cali Waraabe ismaydaan waraysan ee Xukuumadda ayuu jeebka ugu jiraa.”

Mr. Faxle oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Gobolku balaayo ma qabo, Berbera waxa wax la yeelay intaad xilka haysay, laakiin intaad bilaa Camalka ahayd waxba may yeelin.

Kuuligaa ugu liitay oo Maalintii DP World la wareegtay Maamulka Dekedda Berbera booska Kuuliga ah waxa la kala siisanayey 1500 dollar, Maantana waxa la kala siisanayaa 25 ama 30 kun dollar, Nin walba wuu ka dhergay oo guryo ayuu dhistay, Baabuur bay iibsadeen, markaa Adeer bulshada balaayo Abuur looma noqdo.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka