Maraykanka Oo IRAN Ku Eedeeyay Weerarro Lagu Qaaday Maraakiibta Shidaalka Ee Sucuudiga

UAE (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Weerarro lagu qaaday Maraakiibta Shidaalka qaadda ee Sucuudiga loo adeegsaday qalab lagu farsameeyo Iran.

la Taliyaha amniga ee Madaxweynaha Maraykanka, John Bolton oo safar ku jooga Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Qalab ay ka mid ahayd Miinada loo dhigo Maraakiibta oo loo adeegsaday mid ka mid ah Maraakiibta shidaalka ee Sucuudiga lagu sameeyay Dalka IRAN.

“Inta badan Miinooyinka Maraakiibtu waxay ka yimaaddaan dhanka Iran..” ayuu yidhi, La Taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Maraykanka John Bolton oo booqasho ku maraya Imaaraadka, isagoo ka hadlayey Weerarro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Maraakiibta shidaalka ee Sucuudiga, xilli ay taagnaayeen Deked ku taalla Imaaraadka.

laakiin, Weerarradan oo laba ahaa isla-markaana uu midkood dhacay 12-kii bishan May wuxuu Maraykanku si toos ah ugu eedeeyay Iran “Way cadday in Weerarka ka dhacay Dekedda Fujairah Iran ka dambayso, yaa kale ayaad ka fikiraysaa inay yeeli karto sidan, ma Qof ka yimid Nepal..” ayuu yidhi, John Bolton.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka