Diyaarada British Airways Oo Ay Aad Ugu Soo Dhawaatay Diyaarad Yar Oo Drone Ah

London, (HCTV) – Diyaarada British Airways ayay aad ugu soo dhawaatay diyaarad yar oo drone oo si sharci daro ah u duulaysay mee gaadiidka la dhigo oo ku taala garoonka diyaaradaha ee Heathrow, sida uu warku sheegayo.

Duuliyii diyaarada ayaa markii uu soo gaadhay 250ft ee garoonka diyaaradaha wuxuu arkay diyaarada yar drone-ka ah ee aadka ugu soo dhawaatay dhinaca midig ee diyaarada ka hor intii aanu soo caga-dhigan.

Diyaaradan British Airways ayaa ka soo kicitintay magaalada Seoul ee dalka Koonfurta Korea, waxaanay siday 214 rakaab ah.

Arintan ayaa dhacday bishii March afar maalmood ka dib markii la soo saaray sharci mamnuucaya in diyaaradaha yaryar ee drone-ku ay ka soo dhawaadaan ama ku duulaan 5kms dhabaha diyaarada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA