Dalka Ugu Xun Aduunka Ee Suxufi Ka Hawlgalo Oo La Soo Saaray

Turkmen servicemen take part in a military parade in central Ashgabat on September 27, 2018, on the 27th anniversary of Turkmenistan's independence. (Photo by Igor SASIN / AFP) (Photo credit should read IGOR SASIN/AFP/Getty Images)

Turkmenistan, (HCTV) – Bishii la soo dhaafay dalka ku yaala badhtamaha qaarada Asia ee Turkmenistan ayaa noqday dal cadaadiya Saxaafada oo ka sii daran dalka Waqooyiga Kuriya, sida ay warbixin sanadeedkii heerka madaxbanaanida warbaahinta ay ku baahisay, hay’adda la socodka suxufiyiinta ee (Reporters Without Borders).

Kooxdan la socodka Warbaahinta ayaa sheegay in dhamaan warbaahinta ay gacanta ku hayso dawlada Turkmenistan, halka wariyeyaasha tirada yar ee warbaahinta madaxbanaan ee dibadaha u shaqeeya ay la kulmaan xadhig, bahdilaad iyo garaacis joogto ah.

Dalkan Turkmenistan ayaa boqolkiiba 15 ay yihiin warbaahinta online-ka, kuwaas oo xataa Adeega Internet-ka ee ay helaan aad loo xadido.

Tan iyo intii uu burburay Midawgii Suufiyati dalka Turkmenistan ayaa baaqi ku sii ahaa dal ka takooran dunida inteeda kale, oo uu xukumo talidii taliye axmaq ah oo ku shaqeeya siyaasadii madaxweynihii hore ee Saparmurat Niyazov.

Waxaana wakhti xaadirkan jira inyar oo isbadal ah oo uu ku talaabsaday madaxweynaha xiligan ee Gurbanguly Berdimuhamedow oo awooda dalkaasi qabtay 2006 markii uu dhintay Niyazov’s. inkastoo dalka North Korea uu wariyeyaasha ajnabiga ah u ogolaado inay dalkooda soo galaan, dalka Turkmenistan ma ogola in wariye ajnabi ahi uu dalkaa yimaado.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA