Qiimaha Shidaalka Oo Sannad Gudihii Mar Kale Kor Uga Kacay Imaaraadka

UAE (HCTV) – Waxa mar kale kor loo qaaday Qiimaha Shidaalka ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Qiimo korodhka cusub oo dhaqan-gelaya Bisha lixaad ee foodda innagu soo haysa ayaa waxa go’aamiyey isla-markaana ku dhawaaqay Guddiga goysa Qiimaha shidaalka ee Imaaraadka Carabta.

Tusaale ahaan, Halka Litir ee Petrol-ka ah waxa lagu kordhiyey 8 Filis, taasi oo ka dhigan in Litirkii Shidaalka Petrolka ee hore loogu iibin jiray Dh 2.42 (Lacagta Imaaraadka), hadda dib wax kor loo qaaday 3.4%.

Halka, Litirka Diesel lagu kordhiyey  3 Filis (Dollar), taasioo Macnaheedu yahay in 1-kii litir ee lagu iibin jiray Dh2.56 (Lacagta Imaaraadka), la kordhiyey 1.2%.

Qiimaha Shidaalka Dalka Imaaraadka ayaa sannadkii 2015-kii lagu fadhiisiyey qiimaha Qiimaha Suuqa ee Caadiga ah, laakiin Wadayasha gaadiidka Imaaraadka ayaa sannadkan waajahaya qiimo korodh lagu sameeyay Shidaalka oo xidhiidh ah

kordhinta qiimaha Shidaalka ayaa ku soo beegmaya Toddobaadyo uun ka dib, markii la weerarray Maraakiibta Shidaalka Sucuudiga oo ku xidhnaa Dekedaha Imaaraadka.

Dhowr bilood ka hor, ayaa sidan oo kale Guddiga goysa Qiimaha Shidaalka ee Imaaraadku waxay kor u qaadeen qiimaha Shidaalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka