La-Taliyaha Amniga Ee Trump Oo Socdaal Ku Jooga Imaaraadka, Sababta

Dubai (HCTV) – John Bolton oo ah la Taliyaha Madaxweynaha Maraykanka ee dhanka Amniga ayaa gaadhay Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Mr. John Bolton ayaa Imaaraadka Carabta u tagay Shirar Maraykanku uu xulafadiisa Khaliijka kala yeelanayo waxa loogu yeedhay “Xiisadda IRAN ka waddo’.

The National oo HCTV soo xigtay ayaa sheegay in Maraykanka Xulafiisa Khaliijka ka taageeraya Xiisadda Xukuumadda Tehran inuu halkaa geeyay  Maraakiibta diyaaradaha Xambaara, Maraakiibta dagaalka iyo diyaaraha aadka wax u burburiya iyo ballan-qaad ah inuu Ciidamo geynayo halkaasi.

John Bolton ayaa qoraal uu ku baahiyey Twitter-ka wuxuu ku sheegay inuu gaadhay Imaaraadka, xulafada Maraykanka ee Imaaraadku ka mid yahayna ay ka wada-hadli doonaan ahmiyadda amnigu u leeyahay Mandaqaddaasi.

24-kii May ayaa Maraykanku ballan-qaaday inuu Bariga dhexe u dirayo 1500 oo Askari, si ay ula socdaal khatar la rumaysan yahay inay IRAN ka imanayso.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka