UK : Musharax Tartan ku jira oo Maxkamad lasoo Taagayo.

Related image

Boris Johnson, oo ah Musharaxa loo Badinayo inuu Bedelo  Theresa May, oo iska Casishay Ra’iisal Wasaarenimada Ingiriiska ayaa Maxkamad lasoo Taagayaa waxaana loo haystaa eedayn ku saabsan inuu been u sheegay shacabka ingiriiska sanadkii 2016-dii, Xilligaasi oo dalka UK ay ka socotay Olalaha Aftida ka bixidda Midawga Yurub.

Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa amar yeedhmo ah u jartay Mr. Boris Johnson, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ingiriiska.

Mr.Johnson ayaa lagu eedeeyay inuu ku olaleeyay xog been ah oo majaro-habaabisay bulshada, isla markaana uu dadka ugu sheegay in dawladdu ingiriisku ay todobaadkiiba ay  xubnimada midawga Yurub ku bixiso £350 Milyan oo  sidaas awgeed wuxuu dadka u sheegay inay doortaan in laga baxo Midawga Yurub.

hal ku dheggaasi ayuu ku dhejiyay baabuurta olalaha fariintaasi oo dad badan gaadhay ayaana hadda loo haystaa inay been ahayd.

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA

Image result for boris johnson to appear court 350

Image result for boris johnson to appear court 350