Ethiopia Oo Balan Qaaday In Aanay Faragalin Doonin Hanaanka KMG Ah Ee Sudan

Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axemd ayaa balan qaaday in aanu dalkiisu faragalin doontin arimaha ka socda dalka Sudan, isla markaana aanu wax fikrad ah ku darsandoonin hawluhu siday u socdaan dalka ay jaarka yihiin ee Sudan.

Abiy Axmed Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa sidaasi sheegay xili uu kulan la yeeshay Generaalka xukuma golaha milatariga ee kumeelgaadhka ah ee dalka Sudan Abdul fAttah Burahn, kaas oo sidoo kalena kulano la yeeshay hogaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta todobaadkii la soo dhaafay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA