Seychelles Oo 5 Nin Soomaali Ah Maxkamad Soo Taagaysa 7-da Bisha Dambe

Seychelles (HCTV) – Shan nin oo lagu sheegay inay yihiin Budhcad-badeed Soomaali ah ayaa lagu wareejiyey Maamulka Jaziirradda Seychelles.

Shantan Nin ee Budhcad-badeedda ah ayaa Seychelles waxa ku wareejiyey Ciidammada la dagaalanka Budhcad-badeeda ee Midowga Yurub, kuwaasi oo Xeebaha Soomaaliya ka wada hawl-galo lagu Magacaabo Atlanta.

Raggan oo Seychelles lagu wareejiyey 26-kii bishii April ee sannadkan, ayaa la horgeeyay Maxkamadda sare ee Seychelles, waxaana Warku sheegay inay Mar kale Maxkamdda ka soo hor muuqan doonaan 7-da bisha June.

Nin lixaad oo Raggan lala xidhay ayaa Dalkiisa dib loogu celiyey sannadkii 2018-kii, sida Booliska Seychelles Warbaahinta u sheegay.

Seychelles ayaa kula jirta Hay’adda la dagalaanka Maandooriyaha iyo dambiyada u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNODC) heshiis ah in dalkeeda lagu Maxkamadeeyo budhcad-badeeda ay soo qabtaan Ciidammada badda ee Midowga Yurub.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka