Israel Oo Doorasho Cusub Galaysa Kadib Markii Netanyahu Ku Guuldaraystay Dawladd Wadaag Ah

Tel Vive, (HCTV) – Golaha Israel ayaa u codeeyey in dalka laga qabto doorasho labaad bilo gudahood, kadib markii Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku guuldaraystay inuu soo dhiso dawladd wadaag ah ka hor intii aanu wakhtigu ka dhicin.

Bishii April ayaa Netanyahu uu ku soo baxay markiisii shanaad ee uu Raysal Wasaare ka noqdo Israel kadib markii xisbigiisa Likud Party uu ku guulaystay 35 ka mid ah 120-kii kursi ee Baarlamaanka, inkastoo uu wajahayey saddex kiis oo ku saabsan musuqmaasuq.

Balse todobaado ay socdeen wadaxaajoodo ayuu ku guuldaraystay inuu wax ka qabto Isbahaysiyada diimaha iyo kuwa cilmaaniyada, waxaanay saacadihii hore ee maanta oo khamiis ah ay baarlamaanku u codeeyeen in doorasho dambe la galo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA