Maraykanka Oo Eritrea Ka Saaray Liiska Dalalka Argagixisada Taageera

Asmara (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Eritrea ka saartay liiska Dalalka la rumaysan yahay inay gacan siiyaan Ururrrada Argagixisada ah.

Arrintan oo guul diblumaasiyadeed u ah Qarankan ku yaalla Geeska Afrika, ayaa waxa lagu qoray Diwaanka Federaalka ee Maraykanka, sida laga soo xigtay Wakaaladaha Wararka Arbacadii Shalay.

Dawladda Maraykanku waxay hore Eritrea ugula talisay inay siidayso Maxaabiista siyaasadda u xidhan iyo Muwaadiniin kuwo Maraykan ahi ku jiraan oo ku xidhan Jeelasha Eritrea.

Dadka Maraykanka ah ee ku xidhnaa Eritrea waxa ku jiray Shaqaale hoosaadkii Safaaradda Maraykanka.

Waxa kale oo Maraykanku uu Dawladda Eritrea ka dalbaday inay fasiraad ka bixiso inay hub ka iibsatay Dawladda Waqooyiga Kuuriya.

ilaa sannadkii hore markii Xidhiidhkii Itoobiya iyo Eritrea hagaagay, Eritrea waxay samaysay dedaallo diblumaasiyadeed, kuwaasi oo ay  la samaysay Jaarkeeda iyo Bulshada Caalamiga ahba.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa isaguna Eritrea ka qaaday Cunaqabataynta, taasi oo loo saaray inay taageerto Kooxaha Xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya awgeed.

sannadkan, muddo 14 sanadood ah waxa markii ugu horraysay Eritrea booqday Wefti ka socda Koongarayska Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka