Budapest: 7 Dalxiisayaal Koonfurta Kuuriya U Dhashay Oo Ku Dhintay Laba Doonyood Oo Isku Dhacay

Budapest, (HCTV) – Doonis siday 35 qof oo ay ka mid yihiin 33 dalxiisayaal ah oo u dhashay dalka Koonfurta Korea ayaa ku dhacday doon kale oo weyn oo maraysay Wabiga Danube ee ku yaala magaalada Budapest ee dalka Hungary.

Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Koonfurta Korea ayaa sheegay in shilkani uu ka dhacay badhtamaha caasimada Hungarian ee Budapest.

Shilkan labada doonyood ayaa waxa ku dhintay oo maydkooda la helay 7 qof halka ilaa iyo hadda la layahay 21 kale, waxaanay dawladda Hungarian ay sheegtay inay baadhaysto shilkan dhacay iyo doonidii sababtay shilka.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in todoba qof la soo badbaadiyey, Madaxweynaha dalka Koonfurta Korea Moon Jae-in oo isaguna war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in dedaalada gurmadka ay curyaamiyeen cimilada oo xun awogeed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA