Faahfaahin: Magacyada Laba Marxuum Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday + Sawirro

Garoowe (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Xalay Shil ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ku Geeriyooday laba Nin.

Labada Nin oo Magacyadoodu kala yihiin Maxamuud Diiriye iyo Cabdirashiid Yaasiin ayaa Gaadhi yar oo nooca Raaxada ah oo ay wateen waxa ay is jiidheen Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah, halkaana waxa ku Geeriyooday labadoodii Gaadhiga yar watay.

Labada Marxuum oo safar kaga yimid dhanka Magaalada Qardho, una sii jiiday Xagga Garoowe ayaa Shilkan ku galay meel 90KM u jirta Garoowe.

Sawirro laga qaaday Gaadiidka is-jiidhay ayaa muujinaya Gaadhiga yar oo dab ka kacay isla-markaana holacii ka kacay uu qabsaday gaadhiga weyn, taasi oo aakhirkii keentay in labada Gaadhiba isla shuf-beelaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka