Xiisado Ka Taagan Degmada Badhan

Badhan (HCTV) – Badhasaabkii Gobolka Badhan ee Somaliland ayaa is-casilay Maanta, xilli xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland halkaa ka taagan tahay.

Badhasaabka ayaa iscasilaaddiisa ku sababeeyay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu la shaqaynayey qaadan wayday talooyinkiisa, sidaasi darteedna uu xilka iska casilay.

Masuulkan iscasilay oo ugu horrayn xaqiijinaya inuu Icsilay ayaa yidhi “Warkaasi waa sidaa aad u maqasheen oo waan iscasilay..”

Guddoomiye Cali Xuseen Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sababta Iscasilaaddiisa ku sheegay “Sababta aan isku casilayna waa duruufaha aad dareemaysaan, Maamulkii aan la shaqaynayey ee aan Gobolka u matalayey oo taladayadii qaadan waayay..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Wax la i yidhi hala Dagaalamo, wax hala Arbusho..”

Cali oo la waydiiyey, maaddaama oo uu Somaliland xilkii uu ka hayey iscasilay inuu Puntland ku biirayo ayaa wuxuu ku jawaabay “Haa walaal..” ayuu ku jawaabay.

Icasilaadda Badhasaabka Gobolka Badhan ee Somaliland ku soo beegmaysa xilli isla Maanta ay Puntland u gudbeen saddex Sarkaal oo ka mid ahaa Ciidammada Somaliland ee Gobolka Badhan, kuwaasi oo dhanka Puntland u goostay.

Maalmihii u dambeeyay waxa Badhan joogay Wasiirro ka socday Maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasi oo uu Shalay ku soo biiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, kaasi oo qayb ka ahaa hawlaha siyaasadeed ee Puntland ay deegaankaasi ka hayso.

Badhan, waxa dhanka Somaliland ka joogay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, kaasi oo halkaa gaadhay Maalin ka dib Xuskii 18-ka May.

Ma Jirto, Cid ka mid ah Masuuliyiinta Dawladda Somaliland oo arrimaha ka socda Badhan ka hadashay, iyadoo Dadka siyaasadda faalleeya qaarkood sheegayaan in Puntland ay Siyaasad ahaan Badhan kaga Adkaatay Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka