Dhadhaab: Haweenay Kufsi Iyo Dil Loo Geystay

Dhadhaab, (HCTV) – Haweenay hooyo ahayd oo da’deeda lagu sheegay 40 jir ayaa kufsi iyo dil wada socda loogu geystay deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Haweenaydan la kufsaday isla markaana la dilay oo magaceeda lagu sheegay Isniino Ismail Abdullahi ayaa la sheegay in markii falkaasi loo geystay ay Adhi la joogtay meel aan sidaasi uga sii fogayn xaafada ay degenayd ee degmada Dhadhaadhb.

Wararka laga laga helayo dhacdadan naxdinta leh ee haweenayda loogu geystay kufsiga iyo dilka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku ninkii falkaasi geystay markii ay dadweynihii xaafada oo haweenay kale oo la socotay ay usoo qaylo tagtay ayaa soo qabtay.

Ninkan falka Kufsiga geystay ee gacanta dawladda ku jira ayaa kufsigaasi iyo dilkaasi haweenayda ugu geystay Tooray ama midi uu ku hubaysnaa oo uu la dhacay haweenayda taas oo markii cusbitaalka loola cararay u geeriyootay dhaawacyadii Toorida iyadoo aad u dhiigbaxday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA