Nin Isku Hor-gubay Albaabka Aqalka Cad Ee Maraykanka

Washington (HCTV) – Nin ayaa isku hor-gubay Aqalka cad ee looga Arrimiyo Dalka Maraykanka.

Masuuliyiinta Maraykanka oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaasi markii uu Dabka is-qabadsiiyey isagoo dhaawac ah la geeyay Cisbitaal, laakiin uu Geeriyooday Arbacadii Shalay.

Booliska Caasimadda Washington oo Subaxnimadii Khamiista Maanta ka hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lala tacaalay in la bedbaadiyo Ninkaasi, laakiin uu Dhaawaca dabka ka soo gaadhay u geeriyooday.

Warku wuxuu intaa ku daray, madaxda Maraykanka ayaa weli raadinaya inay ogaadaan sababta uu Ninku isku gubay.

Ninkan oo Warbaahinta Maraykanku Magaciisa ku sheegeen Arnav Gupta, ayaa ka hor intii aanu is gubin ka yimid Gobolka Maryland.

Mr. Arnav Gupta  oo Ciidammada gurmadka deg-degga ah ee Aqalka Cad isku dayeen inay bakhtiyaan, ayaa muddo dhex wareegayey Cawska ku yaalla Xagga hore ee Madaxtooyada.

Warbaahintu waxay sheegtay in jidhka Mr. Arnav Gupta uu dabku saameeyay 85%.

Waxa kale oo ay Warbaahintu soo tebisay in Ninka is gubay, xilliga uu dabka isqabadsiinayey uu xidhnaa Shaadh ay uu ku qoran yahay Magaca Maraykanku (USA).

Dadkii la kulmay Ninka isgubay ayaa Warbaahinta CNBC la wadaagay dareenkooda “Qof kastaa wuxuu Argagaxay, waxay ahayd argagax..” ayay tidhi Gabadh dhallinyaro ah oo Magaceedu yahay Alina Berzin

Maaha markii koowaad ee Qof sidan isku gubo, laakiin sannadkii 2017-kii Nin 45 jir ah ayaa isku hor gubay Huteelka Trump ee Pennsylvania.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka