India: Sarkaal Sare Oo Muwaadinnimadiisa Muran La Geliyey

India (HCTV) – Askari ka mid ahaa Ciidammada Dalka Hindiya ayaa la xidhay, waxaana lagu dhawaaqay inaanu ahayn Muwaadin u dhashay Hindiya, gaar ahaan Ismaamulka Waqooyi-bari Hindiya ee Assam.

Askarigan ayaa 30-kii sanadood ee u dambeeyay ka mid ahaa Ciidammada Hindiya isla-markaana dhawaan hawl-gab noqday, markii loo dalacsiiyey Kaptan, ayaa lagu eedeeyay inuu si khalad ah ku soo galay Ciidammada Hindiya.

Ninkan oo Magaciisu yahay Mohammad Sana Ullah ayaa la soo taagayaa Maxkamad, ka dib markii lagu dhawaaqay inaan loola Macaamili doonin sidii Muwaadin oo kale.

Sana Ullah oo ka mid ahaa Dadka deggan tuulada Kalahikash oo ka mid ah Degmada Kamrup, ayaa sheegay inuu Ciidammada Hindiya ku biiray 1987, kana soo shaqeeyay deegaannada Doda iyo Kupwara oo ka mid ah dhulka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

“Waxa lagu dhawaaqay inuu Ajaanib yahay, waanuna xidhaynaa..” ayuu yidhi, Taliyaha Booliska ee degmada Kamrup oo la hadlay News18 website.

Maaha kiiskii ugu horreeyay ee Askari laga waydiiyo Muwaadinnimadiisa, laakiin Sannadkii tagay Afar Milyan oo Qof ayaa lagu sheegay in Muwaadinnimadoodu sharci-darro tahay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli khilaafka siyaasadeed ee Hindiya iyo Pakistaan uu aad u sii xoogaysanayo.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka