Qaramada Midoobay Oo Ergay Cusub Usoo Magacawday Somalia

New York, (HCTV) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay maanta in James Swan uu u magacaabay inuu noqdo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Madaxa Hawlaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM).

Ergaygan cusub ee Xoghayaha guud uu usoo magacaabay Somalia ayaa badali doona Nicholas Haysom oo Somalia ay dalkeeda ka eriday.

Mr. Swan, Ergaygan cusub ee Somalia ayaa ah diblomaasi khabiir oo mudo dheer ka shaqaynayey Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

Waxaanu wakhti badan ku qaatay dalal Afrikan ah oo soo maray ama ku jira xaalado siyaasadeed iyo mid kala guur ah.

James Swan ayaa sidoo kale Safiir ka soo noqday Congo 2013-kii ilaa 2016-kii, waxaanu sidoo kale uu noqday Wakiilka Gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Somalia sanadkii 2011 ilaa 2013-kii, iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Djibouti 2008 ilaa 2011-kii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA