Dhakhaatiir U Digay Dadka Internet-ka Ka Baadi-doona Xalka Xanuunka Haya

 

UAE (HCTV) – Khuburrada Daawaynta ayaa ka hadlay khatarta ay sababto karto isku-dayada Dadka qaar adeegsanaya Baraha Bulshadu ku doonayaan inay si Madax-bannaan isku daweeyaan.

Dr. Ahmed Abdelmalek oo u dhashay dalka Kuwait ayaa kulan Wada-jir ah arrintan kaga hadlay, ayaa sheegay in Dad badan ay isku dayayaan inay si Online ah ku ogaadaan nooca Xanuunka hayaa yahay, iyagoo isticmaalaya Internet-ka, taasi ka dibna ay doonayaan inay iyagu is-daweeyaan, halkii ay ka ahayd inay raadsadaan Cid ku tababbarta ama taageero ka hadlaan xirfadleyaasha Caafimaadka.

Dhakhtartu wuxuu sheegay inaan lagu kalsoonaan karin Daaweynta Internet-ka laga raadinayo, maaddaama oo aan la ogaan karin Cidda rasmiga ah ee xogta Internet-ka ku kaydsan gelisay.

Dr Abdel Nasser bin Salem oo Taliye u ah Wasaaradda Caafimaadka ee Kuwait ayaa soo jeediyey in tallaabo laga qaado Dadka ku taliya in Qofku isagoo adeegsanaya Internet-ka uu xal u heli karo Xaaladdiisa Caafimaad-darro.

Dr Muawia Al Elaiwi ayaa isaguna ka mid ah Dhakhaatiirtan halkaa ka hadlay ayaa soo jeediyey in wacyi-gelinta arrintan la xidhiidha la ballaadhiyo oo Shacabka la wada gaadhsiiyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka