Hogaamiyaha Hezbollah Oo Ka Digay Dagaal Lagu Qaado Iran

Lebanon, (HCTV) – Hogaamiyaha Kooxda hubaysan ee dalka Lebane ee Xisbullah, Xasan Nasrullah ayaa sheegay in dagaal lagu qaado dalka Iran uu galaafan doono dhamaan dalalka Bariga dhexe ku yaala oo dhan.

Xassan Nasrallah ayaa sheegay in dagaal lagu qaado Iran uu gubi doono dhamaan gobolka oo dhan, waxaanu dagaalkaasi u horseedi doonaa maraykanka iyo danihiisa bariga dhexe burbur xoog leh.

Hogaamiyaha kooxda hubaysan ee Xisbullah ayaa sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey telefishanka kadib markii uu dhamaaday kulankii dalalka Carabta iyo Islaamku ay ku lahaayeen magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarama.

Kulanka ay yeesheen dalalka Carabta iyo Islaamku ayaa lagaga hadlayey si looga hortago waxa Sucuudigu ugu yeedhay saamaynta Iran ay ku leedahay gobolka ee sii kordhaysa. Waxaana mudooyinkii u dambeeyey sii kordhaysay xiisada Maraykanka iyo Iran ee gobolka ku dhexmaraysa.

Hogaamiyaha Kooxda xisbulah oo wakhti xaadirkan ku sugan goob aan si dhab ah loo garayna ayaa sheegay in kooxdiisa Hezbollah ay haysato gantaalo ku filan, isla markaana hadii ay wax iska badalaan muuqaalka gabolka ay isticmaali doonaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA