Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Mid Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Oo Lagu Dilay Gaalkacayo

Gaalkacayo, (HCTV) – Ku Xigeenka Xafiiska Qaramada MIdoobay ee Somalia ee UNSOM, Mr Raisedon Zenenga ayaa si adag u cambeereeyey mid ka mid ah shaqaalahooda dhinaca amaanka oo lagu dilay magaalada Galkacayo.

Maxamed Cabdi Khayre oo ka tirsan ilaalada ayaa la dilay xili uu maalintii shalay ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday.

Ilaa iyo hadana ma jirto cid ama koox sheegatay inay masuul ka tahay dilka sarkaalkan dhinaca amaanka u qaabilsan xafiiska qaramada midoobay ay ku leedahay magaalada Galkacayo, waanu Mr Khayre uu geeriyooday markii dhawaciisa loola cararay cusbitaalka.

“Waxaanu u baroor diiqaynaa geerida loo geystay Mr Khayre, kaas oo mudo ka soo shaqeeyey qaybta Qaramada Midoobay oo uu u qaabilsanaa amaanka iyo nabadgalkayada,” sidaasi waxa yidhi Mr. Zenenga.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta gobolku inay dedaal dheeraad ah ka galaan sidii loo soo qaban lahaa ee cadaalada loo horkeeni lahaa cidii ka dambaysay dilkiisa.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA