Ingiriiska Oo Aan Laba Toddobaad Isticmaalin Laydhka shidaalka Laga Dhaliyo

UK (HCTV) – Boqortooyada Ingiriiska ayaan laba toddobaad ah isticmaalin Shidaalka lagu kiciyo Warshadaha iyo Mishiinnada Laydhka, muddadaasi ayaa noqonaysa tii ugu dheerayd tan iyo  1880-kii.

Qofka Hawshan Maamulay ayaa sheegay in dab dhalileyaal shidaal loo adeegsaday ay markii ugu dambaysey ee ay isticmaaleen ahayd 17-kii bishan dhamaanaysa ee May.

Fintan Slye oo ah Agaasimaha Qaranka Uk ee Korontada (ESO), ayaa sheegay in Britain ay bishan tijaabisay Adeegsiga Tamarta laga dhaliyo

Cadceedda iyo Hawada, kaasina waa sababta aan muddo 2 toddobaad ah loo isticmaalin Warshadaha Shidaalka lagu kiciyo.

Mr Slye wuxuu sheegay in Dawladdu qorshaysay in marka Wejigan Tijaabada ah laga baxo in la waajaho in wixii ka dambeeya 2025-ka laga gudbo Isticmaalka Shidaalka, loona gudbo laydhka laga dhaliyo awoodaha kale, laakiin wuxuu xusay in loo baahan yahay in shaqo badan la qabto “Weli waxa taalla hawl ay tahay in la qabto..”ayuu Slye oo sheegaya inaan Tamarta Cadceedda isticmaalkeedu dhamaystir u baahan yahay.

Masuulkani wuxuu sheegay April illaa 14-kii bishan May ay kaydinayeen Tamarta Cadceedda.

Wasiirka Tamarta ee Ingiriiska Chris Skidmore ayaa sheegay in Cadceedda oo keliya aan Tamarta laga dhalilayn, balse Hawaduna tahay waxa ugu badan ee Laydhka laga samaynayo.

Warbaahinta Ingiriisku waxay sheegtay in 4.5 Milyan Guri ay ku filan tahay Laydhka Hawada laga dhaliyo.

35% Hawada ah iyo 21 cadceedda ah ayaa laydh laga dhaliyey, sida ay Warbaahinta Ingiriisku sheegtay, taasi oo ah ta muddada 2-da Toddobaad ah lagaga maarmay Laydhkii Shidaalka laga dhalinayey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka