Madaxweynaha Mexico Oo Ka Jawaabay Ficillada Trump

Mexico (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa Jimcihii Shalay sheegay in aanay Dawlad ahaan ka wer-wersanayn cunsuriyadda Madaxweynaha Maraykanka, taa beddelkeedana ay ka wada-hadlayaan.

Lopez Obrador ayaa sheegay inuu Xoghayihiisa arrimaha dibedda Marcelo Ebrard u diri doono Washington si uu Trump u tuso xogta la xidhiidha in Maxico inay hoos u dhigayaan Muhaajiriintiisa.

Lopez Obrador wuxuu sheegay in Dadka Maxico aanay dul-qaad u lahayn ficillada Trump qaarkood “Dadka Maxico uma dul-qaadan karaan Hab-dhaqanka noocaas ah..” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale in Dalkiisu uu dhammaan Ficillada Maraykanka uga jawaab celinayo si feejigan.

wuxuu ku celiyey in Dadka Muhaajiriinta ah ee Maxico iyo Dalalka kale ee Badhtamaha Ameerika ka qaxayaa ay nolol ka samayn karayaan Dalalkooda, kuna noolaan karayaan.

Dawladda Maxsico oo dagaal kula jirta Muhaajiriinta aan dalkeeda u dhalan ee Maraykanka ku socda ayaa bishii April oo keliya Mastaafuriyey illaa 15000 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka