Ugu Yaraan 9 Qof Oo Ku Dhintay Roobaba Baaxad Leh Oo Ka Da’ay Puntland

Garoowe, (HCTV) – Ugu yaraan Sagaal qof ayaa ku dhintay Roobab ka da’ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee maamul goboleedka Puntland, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, roobabkan ayaa sidoo kale  khasaare baaxad leh gaadhsiiyey wada laamayda ah ee isku xidha magaalooyinkaasi.

Roobabkan oo ahaa kuwo xoog leh ayaa waxa ay xanibeen isku socodkii magaalooyinka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray waddada Laamiga ee isku xidha gobollada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo deegaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaadhay Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland, laamiga go’ay iyo burburka soo gaadhay waddada waxa ay xanibtey isu socodka Garoowe iyo magaalada dekedda leh  ee Boosaaso.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay khasaaraha roobabkaasi geysteen waxa uu sheegay in daadadka roobku soo rogay ay bur-bur xoogleh ka soo gaadhay waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo xukuumaddu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaadhay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA