Puntland: Roobab Sababay Dhimasho Oo Da’ay Iyo Guddi La Magacaabay

Garoowe (HCTV) –  Roobab laxaad leh oo ka da’ay Deegaannada Puntland intooda badan ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho, Baro-kac iyo Jidad go’ay.

Roobabkan oo ka da’ay Gobollo badan oo Puntland ayaa illaa hadda waxa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Qof, waxaana ka dhashay Fatahaado waaweyn, kuwaasi oo sababay inuu go’o jidka u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo ah Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed-karaash oo sidoo kalena ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka, kuwaasi oo loo xil-saaray inay soo qiimeeyaan Khasaaraha gaadhay Dadka, Xoolaha, Waddooyinka iyo waxyaabaha kale ee Muhiimka ah.

Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye

2. Wasaaradda Hawlaha Guud , G/Ku Xigeen

3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha , Xubin

4. Wasaaradda Maaliyadda  Xubin

5. Wasaaradda Ganacsiga  Xubin

6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha  Xubin

7.Wasaaradda Deegaanka  Xubin

8.Wasaaradda Caafimaadka  Xubin

9.Wasaaradda Qorshaynta  Xubin

10.Madaxtooyada  Xubin

11.Taliska Ciidanka Booliska  Xubin

12. Hay’adda HADMA  Xoghayn

13.Hay’adda PHA  Xubin

14.Guddoomiyayaasha Gobollada  Xubin

Ku-simaha Madaxweynuhu wuxuu Cid kasta oo hawshani khusayso uu ka codsaday inay Guddiga kala shaqeeyaan Gurmadka ay Dadka ku samato-bixinayaan, waxaanu markaa ka dib uu kormeer ku tagay Goobaha khasaaruhu ka jiro.

HCTV kala soco Wixii Warkan ku soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka