Israel Oo Weerar Ku Qaaday Suuriya

Dimishiq, (HCTV) – Israel ayaa weerar ku qaaday xarumo Milatari oo ay leedahay dawlada Suuriya, waxaana weerarkaasi ku dhintay saddex askari halka ay ku dhaawacmeen todoba kale oo Suuriyaan ah, sida ay ku warantay warbaahinta dalka Suuriya.

Milatariga dalka Israel ayaa xaqiijiyey inay weerar ku qaadeen xili hore oo maanta oo axad ah, waxaanay intaasi ku dareen in weerarkani uu jawaab u yahay laba gantaal oo lagaga soo riday dhinaca buuralayda dalka Suuriya sabtidii shalay.

Mid ka mid ah gantaaladaasi ayaa ku dhacay dhulka Israel, balse muu gaysan wax khasaare iyo dhaawac toona.

Wakaalada wararka ee SANA oo soo xigatay sarkaal milatariga Suuriya ka tirsan oo magaciisa aan la shaacin ayaa tilmaamay in weerarka Israel ay ku soo qaaday lala beegsaday goob milatarigu leeyahay oo ku taala gobolka koonfurta Quneitra, oo u dhow buuralayda Golan Heights ee ay haysato Israel.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA