Farmaajo Oo Khariirraddii Itoobiya Baahisay Ka Dib, Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Addis Ababa

Addis Ababa (HCTV) –  Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Weftiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyay Raysal-wasaare Abyi Axmed iyo Masuuliyiin kale oo Itoobiyaan ah.

illaa hadda, si rasmi ah looma oga waxay ka wada-hadleen labada Hoggaamiye, laakiin Wakaaladda Wararka ee Itoobiya ee Faana oo qoraal kooban baahisay Maanta ayaa sheegtay in Farmaajo iyo Abiy ka wada-hadleen danaha labada dal iyo sii xoojinta Iskaashigooda.

Arrimaha ku cusbaa Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa ayaa waxa ka mid ahaa inay isaga iyo Raysal-wasaare Abiy Axmed ay si wada jir ah Geed ugu beereen gudaha dhismaha Madaxtooyada Addis Ababa.

Safarkan oo aan wax badan laga ogayn ujeeddadiisa rasmiga ah, ayaa imanaya toddobaad uun ka dib markii Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya ay Website-keeda ku baahisay khariirad ay ka maqan tahay Soomaaliya, arrintaasi oo abuurtay tuhun badan, inkasta oo aan la ogayn in labada Hoggaamiye Arrintaa ka wada-hadleen iyo in kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka