Laba Qof Oo Ka Mid Ah Dadka Ku Dibadbaxaya Sudan Oo Toogasho Lagu Dilay

Khartuum, (HCTV) – Ugu yaraan 2 qof ayaa lagu dilay halka 10 kalena lagu dhaawacay caasimada dalka Sudan ee Khartuum kadib markii rasaas ay ciidamadu ku fureen goob ay ku sugnaayeen dadka dibadbaxaya.

Kumanaan qof oo ka soo horjeeda xukunka dalka ay ku dhagan yihiin ciidamada Milatarigu ayaa ku sugan jidka Nile ee Khartuum, waxaana rasaas ay ciidamadu ay ku fureen ay halkaasi ku dileen laba qof, sida ay xaqiijiyeen guddida dhakhaatiirta ee dalka Sudan oo war-bixin ka soo saaray falkii dhacay ee lagu toogtay dadka dibadbaxaya ee rasaasta lala beegsaday.

Balse Guddidan dhakhaatiirta ayaan cadayn ciidamada rasaasta ku furay dibadbaxayaasha kuwa ay yihiin iyo sidoo kale kuwa la dilay ama la dhaawacay, inkastoo wararka lagaga helayo dalka Sudan ay sheegayaan in mid ka mid ah labada qof ee la dilay ay Rasaastu madaxa kaga dhacday.

Kumanaan dibadbaxyaaal ah ayaa ku sugan wadada ugu weyn ee hormarta xarunta milatariga ee Khartoum, waxaanay dadka fadhiya goobtaasi ay warbaahinta u sheegeen in daraasiin gaadiidka gaashaaman iyo ciidamada Bileyska ee rabshadaha ka hortagaan ay xidheen goobtaasi isla markaana ay rasaas u adeegsanayaan dadka dibadbaxa samaynaya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA