Hargeysa Oo U Diyaargaroobaysa Munaasibada Ciida Iyo Masuuliyiin Booqda Suuqa Waaheen

Hargeysa, (HCTV) – Magaalada Hargeysa ayaa mudooyinkii u dambeeyey laga dareemayey diyaargarow baaxad leh oo ay dadweynuhu ugu diyaargaroobayeen munaasibada Ciidal Fidrida oo kaabiga inagu haysa.

Waxaanay dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ay soo buuxdhaafiyeen suuqyada waaweyn ee magaalada Hargeysa iyagoo oo ka dukaamaysanaya oo iibsanaya dharka ciida, waxaanay indhahaagu qabanayaan waalidka oo caruurtooda gacmaha haysta oo u iibinaya dharkii ay ku ciidi lahaayeen maalinta ciida iyo agabkii ay caruurtu ku ciyaari lahayd maalintaasi.

Sidoo kale maadaama oo xiliyadan ay saxmada iyo dadku ay farabadan yihiin oo suuqyada laga adeegto ee magaalada Hargeysa ay cidhiidhi noqdaan ayaa waxa la keenaa ciidan bileys ah oo iyagu ka qaybqaata sidii ay dadweynuhu ay ugu suurtagali lahaayeen in qof waliba adeegii uu u baahnaa ay u suurogasho isla markaana looga fogaado wax kasta oo xatooyada ah oo dadka wax iibsanaya loo geysto.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Bileyska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa iyagu habeenkii xalay ahaa kormeer ku gaalaa bixiyey suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo u kuurgalay sida ay u socoto dukaamaysiga shacabka ku dhaqan caasimadu.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA