“Muslimiinta Iyo Cristaanku Waa Inay Naga Caawiyaan Dagaalka Argagixisada” Uhuru Kenyatta

Nairobi, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Argagixisadu ay yihiin dambiilayaan in talaabo laga qaadana aanay diintu diiday in lala dagaalamo Argagixisadaasi.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidaasi sheegay mar uu todobaadkii hore booqasoh taariikhi ah uu ku tagay masaajidka ugu weyn caasimada dalka Kenya ee Nairobi oo uu kala qaybgalay afur lagu qabtay masaajidkaasi maalintaasi.

Xafiiska Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in booqashadii uu ku tagay Mustijaamaca magaalada Nairobi in Madaxweyne Uhuru Kenyatta hadal uu ka jeediyey goobta uu ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada isla markaana dhan looga soo wadajeedsato dagaalka argagixisada. “Waxaan ku faraxanahay inaynu nahay qaran kala duwan oo qooyimayo ah, oo kala midab dunwan oo kala diimo duwan,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaanu intaasi ku daray Madaxweynaha dalka Kenya in dawladiisu ay ku dedaali doonto in ay hubiso sinaanta iyo in ay dhexdhexaad u noqoto dhamaan dadka Kenya, waxaanu si gaar ah bulshada Muslimka ah uu ugu baaqay inay ku soo biirto dagaalka ka dhanka ah dambiilayaasha Argagixisada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA