“Nidaamkii Siyaad Barre, Wax Badan Baa Innagu Soo Hadhay..” Madasha Wada-Tashiga S/Land

Hargeysa (HCTV) – Siyaasiyiinta ku midaysan Madasha Wada-tashiga Somaliland ayaa Maanta ka hadlay Xaaladda Dalka, sida Doorashooyinka iyo Xiisadda u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee bariga Gobolka sanaag.

Mujaahidiinta kala ah Xasan Guure, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin gabaxaddi iyo Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuu oo guddigaa ka mid ah oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in doorashadu ay mar kale dib u dhacdo, sidaasi darteed ay Dadku ka tashan doonaan Masiirkooda la xidhiidha doorashooyinka, haddii saddexda Xisbi ay Go’aan muhiim ah wada gaadhi waayaan.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madasha ayaa in badan la tabanayey, waanu ogayn oo in badan baa Dadku na lahaa ma jeebkii Muuse ayaad gasheen oo Saaxiibkiin ayaad raacdeen, laakiin Muuse Saaxiib lamaanu ahayn.”

Xasan Guure wuxuu ka dardaar-weriyey doorashada “Sansaanka muuqda iyo waxa aan xog-ogaalka u ahay in aanay doorashadaasi qabsoomayn, markaa waxaanu u sheegaynaa saddexda Xisbi Dadku in aanay sugayn doorasho ka dambaysa 2019-ka, jidad badana inay u furan yihiin, waxaynu ridnay Golihii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, markaa ma shaqaynayaan in  Gole Xisbiyo ahi Dadka afduubaan…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa inay arrinta Gobolka Sanaag inay si deg-deg ah nabadgalyo ugu dhamayso..”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna yidhi “Madaxtooyada waxa laga filayaa inay diwaangelintii dhamaystirto, doorashada Baarlamaankuna wakhtigeedii qabsoonto..”

Cabdisalaan Gabaxaddi oo isaguna ka mid ahaa Madasha Wada-tashiga ayaa sheegay inay Somaliland ka dhacaan falal la mid ah kuwii dhici jiray xilligii Siyaad Barre “Siyaad barre Nidaamkiisii ridnay, laakiin dhaqankiisii wax badan baa innagu soo hadhay..” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa ku baaqay in Dadka lagu dhaqo waxa lagu heshiiyey “Dastuurka aynu Qoranay ee la leeyahay Ummaddaa lagu dhaqayaana ha lagu dhaqmo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka