Milletariga Suudaan Oo 9 Qof Toogasho Ku Dilay

Khartoum (HCTV) – Ugu yaraan 9 Qof ayaa dileen Ciidammada Suudaan oo isku dayaya inay Talisyadooda ka kiciyaan Dibed-baxayaasha muddada fadhiisinada ka hor samaystay, Caasimadda Khartuum.

Rasaas iyo Qaraxyo ayaa laga maqlay Gudaha Caasimadda Suudaan, ka dib markii Ciidammadu bilaabeen inay banneeyaan waddooyinka iyo Goobaha ay halkaa ka dhisteen dibed-baxayaasha oo doonaya in talada Suudaan si buuxda loogu wareejiyo Rayidka.

mid ka mid ah dadka Arrimaha bani-aadamka u dhaqdhaqaaqa oo dibedda Wasaaradda Gaashaandhigga Suudaan kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ficillada ay Ciidammadu kula kacayaan Rayidka loo diwaangelinayo dambiyo “Dibed-baxayaasha fadhiya Taliska guud ee Ciidammada Suudaan waxay waajahayaan Xasuuq..” ayuu ururka (SPA) ku yidhi qoraal ay soo saareen.

Ururka ay ku midaysan yihiin dhakhaatiirta Suudaan ee Magaciisa loo soo gaabiyo (CCSD) ayaa sheegay in Milletariga Suudaan uu 9 Qof ku toogtay bariga Cisbitaal lagu Magacaabo Nile, dibed-baxayaal badana ay si halis ah u dhaawacmeen.

Ururka CCSD wuxuu sheegay inay suurto-gal tahay inay dhimashadu intaa ka sii badato.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka