Madaxweynaha Eritrea Oo Qaabilay Wakiilka Somaliland Ee Qaramada Midoobay

Asmara, (HCTV) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr Mohamed Warsame Duale oo ah wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka arimaha dibada dalka Eritrea Mr Osman Saleh.

Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay Dr Duale ayaa socdaal ku tagay caasimada dalka Eritrea ee Asmara, maalintii axadii.

Ilo Wareedo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la filayo in socdaal uu ku tagi doono Asmara sanadkan gudhiisa.

Bishii March 18-keedii ayay ahayd markii wefti heersare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Eritrea Mr Osman Saleh, iyo la taliyaha Madaxweynaha Mr Yemane Gebreab uu socdaal ku yimid Somaliland.

Waxaanay xiligaasi weftiga Eritrean-ku ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kuwaas oo uga mahadceliyey madaxweynaha soo dhaweynta loo sameeyey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey weftiga xaalada ay Somaliland ku sugan tahay iyo arimo kale oo dhawr ah.

Waxaana xiligaasi labada dawladood ay yeesheen xidhiidh muujinayey in dawlada Eritrea ay danaynayso inay qabto wadahadalada Somaliland iyo Somalia inay ka qabsoomaan dalka Eritrea.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA