Maamulka Maroodi-jeex Oo Ka Hadlay Hal Qof Oo Danab Dilay (Akhriso)

Sallaxley (HCTV) – Maamulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka hadlay Hal Qof ku geeriyooday Roob Shalay ka da’ay deegaanka Sallaxley.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Axmed oo la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Wiil dhallinyaro ah Magaciisu ahaa Ayaanle Cabdi Saaxil uu ku dhacay Danab isla-markaana uu Geeriyooday.

Badhasaabka Maroodi-jeex wuxuu sheegay in Wiilka geeriyooday uu ka mid ahaa Arday laga fasaxay dugsi boodhin ah ku yaalla degmada Balli-mataan, laakiin markii ay marayaan deegaanka Inna igare uu roob qabsaday, danab Roobkaa ka dhashayna uu dilay Wiilka yar oo da’diisu ahayd 14 jir.

Guddoomiye Jaamac oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Roobabkii ka da’ayey 24-kii saacadood ee u dambeeyay guud ahaan Gobollada Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex meelaha Roobabka laxaadka lihi ka da’ay waxa ka mid ah degmooyinka Sallaxley, Laas-geel, Cadaadley, Balli-mataan, Sabo-wanaag oo ah degmooyinka bariga iyo Koonfurta dhaca, wax khasaare ah illaa waxa la soo sheegay inuu wiil ku dhintay deegaanka la yidhaahdo ‘Ina Igare’ oo danab ku dilay. dhallinyaro laga fasaxay Dugsiga Boodhinka ah ee Balli-mataan ayuu gaadhi la galay halkaa iyagoo deegaanadoodii ku sii socda, Roobkaa halkaa ku qabsaday, midbaa dhintay, waanu ka tacsiyadaynaynaa eheladii uu ka dhintay.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka