Netanyahu Oo Digniin U Diray Dalka Iran

Tel Vive, (HCTV) – Raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dalka Iran uga digay inay cawaaqib xun ay la kulmi doonto hadii Iran ay khatar galiso Israel, waxaanu intaasi ku daray Raysal Wasaaraha Israel inuu amray weeraro dhinaca cirka ah oo lagu qaado Suuriya, xili dalka Israel uu galayo doorasho ku celis ah.

Waxa dhif iyo nadir ah in dawladda Israel ay sheegato hawlgalo xadka dalkeeda ka baxsan, hase yeeshee Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kordhiyey amarada weerarada uu ku qaadayo xarumaha milatariga suuriya.

Hadalkan digniinta ah ee Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku soo beegmaya markii maalintii shalay ciidamada cirka dalka Suuriya ay weerar ku bartilmaameedsadeen goob Ciidamada Suuriyaanku ay ku kaydsadaan hubka Artillery-ga, waxaanay sheegayaan in tiro weeraradaasi ay Israel soo qaaday ay iska difaaceen ciidamada cirka Suuriya oo iyagu leh hanaanka difaaca ciro oo xoogan, walow saddex ka mid ah Ciidama Suuriya ay ku dhinteen weerarkaasi.

Waxaana sidoo kale ay wararku sheegayaan in dhinaca Suuriya laga soo ganay laba gantaal, waxaana sidoo kale hal askari uu ku dhintay weerar lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Cirka ee Syrian Arab Air Force ee la yidhaa Tiyas Airbase,halkaas oo laba kalena ay ku dhaawacmeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA