Tirada Maxaabiis Uu Cafis U Fidiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Garoowe (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Cafis u fidiyey 121 Maxbuus, Farxadda Ciidda Soon Awgeed.

Maxaabiista Cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xidhan Xabsiyada Gaalkacayo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso.

Wareegtada Cafiska ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland soo saartay oo HCTV uu arkay ayaa u qornayd sidan:-

Cafis Maxaabiis

“Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xeer Madaxweyne Lr, os ee 29 May,2019 Cafis ugu fidiyey Maxaabiis Munaasibadda bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu Arkay: Talo soo jeedinta Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo dhaqan-celinta.

Wuxuu Xeeriyey.

  1. Waxa Cafis loo fidiyey Munaasibadda Bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed 121 Maxbuus oo ku kala xidhan Xabsiyada Puntland.
  2. Xabsiga Boosaaso, 52 maxbuus
  3. Xabsiga Qardho, 27 Maxbuus
  4. Xabsiga Garoowe, 52 Maxbuus
  5. Xabsiga Gaalkacayo, 13 Maxbuus..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka