Trump Oo Marti U Ah Maayarkii Muslimka Ahaa Ee Twitter-ka Uu Ku Cambaarayn Jiray

London, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo ay wehelinayso Marwada koowaad ee dalkaasi Melania ayaa kulankoodii ugu horeeyey ee socdaal ay ku tageen dalka UK waxa ay kulan la yeesheen boqorada dalka Ingiirksa.

Madaxweyne Trump iyo marwadiisa ayaa socdaalkii ay ku tageen guriga boqorada ee Buckingham Palace waxa loogu sameeyey qado gaar ah iyadoo sidoo kale halkaasi loogu qabtay munaasibad lagu soo dhaweynayo.

Madaxweynaha dalka Maraykanka iyo Marwadiisa ayaa maanta oo Isniin ah markii ay ka soo dageen diyaaradooda gaarka ah ee Air Force One waxa ay u qaaday guriga safaarada Maraykanku ee ku taala badhtamaha London halkaas oo ay joogi doonaan weftiga Madaxweynaha dalka Maraykanku.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa qoraalo uu soo dhigay waxa uu ku cambaarayn jiray Maayarka Magaalada uu Martida u yahay ee London Mr Sadiq Khan kaas oo dhawr jeer oo hore ay isku dhac ku dhexmaray isaga iyo Trump dhinaca Twitter-ka.

Mr Sidiq Khan ayaa isagu sheegay in Trump aan loo dhigi doonin Rooga Cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA