Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay Nabad Ay La Qaadato Somaliland

Garoowe (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa sheegay inaan Maamulkiisa iyo Somaliland aanay nabadgalyo ku wada noolaaneyn inta sida uu sheegay Somaliland haysato Gobolka Sool oo Mulkiyaddiisa Puntland sheegato, balse ay hadda Somaliland gacanta ku hayso.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaasi oo safar dibedda ugu maqan, ayaa khudbad uu u jeediyey Dadweynaha reer Garoowe oo uu Maanta kala qayb-galay Tukashada Salaaddii Ciidda Soon, wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu sheegay inuu Nabadgalyo rabo, balse taasi aanay suurto-gal ahayn inta Somaliland haysato Gobollada Sool iyo Sanaag.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Muuse Biixi wuxuu leeyahay Nabadgelyo ayaan rabaa, laakiin Reer barigu waxay yidhaahdaan ‘Waa la tahay’ inta uu dalkeena Puntland ku jiro ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso..”

Mudane Axmed-karaash oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay “Waxaan leeyahay xuduuddaadi tag haddaad nabad doonayso..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Puntland ay weligeedba Nabadgalyo Rabtay “Nabad waanu rabnaa, weligeena waanu rabnay”

Madaxweyne ku-xigeenk Puntland wuxuu bogaadiyey Ciidamo ka mid ahaa Millateriga Somaliland oo dhawaan u goostay dhanka Puntland.

Ciidammada Somaliland ka goostay ayaa ka koobnaa Saddex Sarkaal iyo Ciidamo wehelinayey, kuwaasi oo hore fadhiisimo ugu lahaa Jiidda Fog ee Bariga Gobolka Sanaag.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa jawaab u ah Hadal uu Madaxweynaha Somaliland uu Warbaahinta mariyey 18-kii bishii hore ee May, kaasi oo ahaa inay jecel yihiin inay Nabad ku wada noolaadaan Puntland, isagoo Tallaabadaa bilowgeediina ku baaqay in Somaliland iyo Puntland ay iswaydaarsadaan Maxaabiis labada dhinac ku kala qabsadeen dagaal sannadkii hore ku dhex maray deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool, kuwwaasi oo tiradoodu ahayd 3 Askari oo Somaliland laga qabsaday iyo 14 Maxbuus oo Puntland laga qabsaday.

Maxaabiis is-dhaafsiga oo Tallaabo Nabadeed ah ayaa fushay Isniintii Shalay, waxaana Hargeysa laga ambo-bixiyey 14 Maxbuus oo Puntland kaga xidhnaa Somaliland, halka lagu soo dhaweeyay 3 Askari oo Puntland laga soo daayey.

Is-dhaafsiga Maxaabiista waxa door ku lahayd Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka