Somalia: UNHCR Oo Ku Dhawaaqday In Arimaha Cimilada Ee Isa-soo-Taraya Ay Barakac Sababeen

Nairobi, (HCTV) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in gargaar dheeraad ah lala soo gaadho dad ay saamaysay, oo ay barakicisay abaar ka jirta Somalia.

Roobabkii Guga ee April-June 2019-ka oo hooseeyey celcelis ahaan iyo Dayrtii bishii October ilaa December ee sanadkii 2018-kii ayaa sababay abaar uga sii darta qaybo badan oo dalka ah. Waxaana lagu qiyaasay in dad tiradoodu gaadhayso 5.4 million oo qof la rumaysan yahay inay ku jiraan xaalad cunto oo hubanti la’aan ah bisha July.

Sidoo kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontigu waxay sheegtay in 2.2 million oo qof ay dhawr xaaladood darteed ay ugu baahdeen gurmad degdeg ah oo lala soo gaadho.

Waxaanay Abaarto ay ku khasabtay in ka badan 49,000 qof inay guryahooda ka cararaan tan iyo bilawgii sanadkan iyagoo baadigoob ugu jira cunto, biyo, gargaar iyo shaqo dhulka magaalooyinka ah.

Dadka barakacayna ay sabab u tahay dagaalada iyo khilaafyo ay u sii dheertahay abaartu.

Waxaanay hay’adda UNHCR ay sheegtay in tiro ka badan 7,000 ay barakaceen bishii la soo dhaafay oo kaliya.

Saddexda gobol ee aadka ay saamaynta ugu yeelatayna waxa ka mid ah Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia, Puntland iyo Somaliland, waxaana deegaamada ugu daran ku jira ayaa lagu yidhi Warbixinta UNHCR, deegaamada Sanaag, Sool, Awdal, Bari, Nugaal, Mudug, Galgadud,  iyo gobolka Hiiraan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA