Gaadhi Laga Soo Xaday Afhayeenka Madaxweynaha Uganda Oo Laga Helay Kenya

Nairobi, (HCTV) – Ciidamada bileyska ee dalka Kenya ayaa isku gedaamay gaadhi uu leeyahay Afhayeenka Madaxweyne Yoweri Museveni, kadib markii laga helay dalka Kenya isagoo ay ku xidhan tahay Lambarka Taarikada ee dalka  Koonfurta Sudan.

Gaadhigan oo noociisu yahay Toyota Kluger, ayaa la waayey xili uu yaalay mudo dheer Parking-ka guri ku yeaala Kampala bishii September ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana laga helay Kenya gaadhigaas oo ay ku xidhan tahay Lambarka diiwaangalinta (SSD598M) ee dalka Koonfurta Sudan oo been abuur ah, bishii April.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in ay tibaax ku heleen saaxiibo ku sugan Uganda oo la daba socday loogana shakisnaa, waxaana markii ugu horaysay lagu arkay gaadhiga Murang, ka hor intii aan lagaga tagin Gilgil, oo ka tirsan degmada Nakuru.

Waxaanu Salasaadii uu sheegay  Mr Don Wanyama, oo ah Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxweyne Museveni in gaadhigiisii loo soo celinayo kadib mudo bilo ah oo la baadigoobayey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA