Dawlada Turkiga Oo Dhamaystirtay Dhaam Weyn Oo Ay U Dhistay Djibouti

Djibouti, (HCTV) – Dhismaha Dhaamka Ambouli Friendship Dam ayaa laga dhamaystiray dalka Djibouti, sida Wasaarada Beeraha iyo Kaymaha dalka Turkigu ay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.

Waxaanay tilmaantay in qaybta ugu weyn ee dhaam-ka lagu dhisay heshiis ay kala saxeexdeen Turkiga iyo Djibouti sanadkii 2014-kii oo ku saabsanaa inay arimaha biyaha ka wadashaqeeyaan, waxaanu dhamaystirka dhismaha Dhaamkani uu hadda diyaar u yahay inuu biyaha qabto oo laga faa’iidaysto.

Dhaamkan loo dhisay dalka Djibouti ayaa la filayaa inuu qabto qulqulka biyaha Djibouti, waxaanu ku yaala goob ku taala caasimada oo ay ku nool yihiin 75% bulshada ku dhaqan dalkaasi.

Dhismaha Dhaamkan ayaa 71-meter kor u dhereran, waxaana la bilaabay 2017-kii, kaas oo ay dhistay hay’adda ka shaqaysa biyaha, isla markaana wasaarada dalkaasi xidhiidh la leh.

Dhaamkan ayaa gacan ka geysan doona kaydinta biyaha loo isticmaalayo waraabka dalkan oo inta badan ku tiirsan cuntada looga soo dhoofiyo dalka ay jaarka yihiin ee Ethiopia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA