Xildhibaan Ka Mid Ahaa Golaha Wakiillada Somaliland Oo Geeriyooday

Istanbul (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Xalay Geeriyooday Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ahaa Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa ku Geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Dalka Turkiga oo bilihii u dambeeyay Xaalad Caafimaad u jiifa.

Marxuumka oo muddo dheer ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo uu kaga soo biiray Xisbigii burburay ayaa sidoo kale Xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Marxuumka ayaa Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal ka soo noqday Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanta, xilkaasi oo loo Magacaabay 1997-kii isla-markaana muddo sanado ah hayey.

Xildhibaanku wuxuu muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Marxuumka ayaa waxa Geeridiisa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku sifeeyay inuu ahaa Qof karti badan.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynuhu u diray Ehellada Marxuumka iyo Qaranka Somaliland wuxuu u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha wakiilada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeyeoo ku geeriyooday dalka Turkiga Xalay oo ay taariikhdu tahay 05/06/2019

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, muddo dheerna u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaalna ka soo noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, 2005-kiina ku soo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid ahaa hadda, laguna xasuusan doono xildhibaanka  waayo aragnimo, karti iyo aragtidiisa waddanimo.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Baarlamaanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo…”

Sidoo kale, waxa Geerida Marxuumka Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Xisbiga WADDANI oo uu ka mid ahaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka