“Aragti Baanu Ku Afurnay..” Gaalacayo Oo Maanta Laga Ciiday

Gaalkacayo (HCTV) – Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa Maanta Ciiday.

Magaalada Gaalkacayo oo aan Salaasadii Shalay laga Ciidin ayaa Arbacada Maanta si wanaagsan looga Ciiday, sida uu soo sheegay Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Magaaladaasi Cali Maalin.

Dadweynaha ayaa Subaxdii hore isugu soo baxay Garoonka kubadda Cagta ee Cabdillaahi Ciise isla-markaana ku tukaday Salaaddii Ciidda soon.

Culimada Magaalada Gaalkacayo oo Khudbado Wacdi ah Dadweynaha u jeediyey ayaa sheegay inay Aragna ku soomeen, Aragna ku fureen “Soonku si uu shareecada u waafaqo waxaanu ku Soonay Aragtidiisii (Bisha), dhammaadkiisiina Ilaahay wuu na waafajiyey inaanu ku afurno (Aragtida Bisha)..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Culimada Gaalkacayo oo la hadlay Dadweynaha Magaaladaasi.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka