Somaliland: Wasiir Isku Maamulaya Laba Wasaaradood

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si ku meel-gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire, ugu sii dhiibay wasaarada Qorshaynta, ka dib markii Wasiirkii Wasaaraddaasi Maamulayey  xaalad caafimaad dalka Dibeddiisa loogu qaaday.

Wasiir Sacad, ayaa labada wasaaradoodba isku maamuli doona muddada wasiirku Qorshayntu maqan yahay sida ay HCTV u xaqiijiyeen Saraakiisha Wasaaradda Qorshaynta oo sheegay in lagu amray inay la shaqeeyaan Wasiir Sacad Cali Shire.

Dastuurka Somaliland ayaa ogol in Wasiirku laba wasaaradood isku maamuli-karo, inkasta oo Dastuurku sidoo kale sheegayo in Wasiir ku-xigeenku uu noqonayo ku-simaha Wasiirka Muddada uu Wasaaradda ka maqan yahay.

Wasaaradda Qorshaynta ayaa leh Wasiir ku-xigeen iyo Agaasime guud.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hor intii aanu noqonin Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Maaliyadda, wuxuu hore u soo noqday Wasiirka Qorshaynta Qorshaynta Qaranka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka