Maraykanka Oo Dalxiisayaashiisa Ka Mabnuucay Kuubba

USA (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Muwaadiniinteeda ka mabnuucday inay u socdaalaan Dalka Kuuba.

Maraykanku wuxuu sheegay inaan Muwaadiniintiisu aanay Kuuba ugu safrin karin dhinaca Dhulka, Badda, Cirka, isla-markaana aanay dal-xiis ahaan ku tagi karin Jaziiradda Kuuba.

Mabnuuca waxa ku jira in Shirkadaha Dadka sida Jamaca ah u dal-xiis geeyaa ee Isticmaala diyaaradaha iyo Maraakiibtu aanay Kuuba geyn karin Dal-xiisayaasha.

Madaxda Maraykanku waxay sheegeen in la doonayo in Shuruucdan cusub lagu ciqaabo Dawladda Kuuba.

Ma Cadda sida Shuruucdan Mabnuucaysa in loo safro Kuuba loogu ciqaabayo Dawladda Kuuba.

Maraykanka ayaa Dalka Kuuba ku leh Xabsiga guantanamo bay oo uu ku xidho dadka loo haysto dambiyada culus, sida Argagixisada, waxaana jiray xidhiidh diblumaasiyadeed oo ka dhaxeeyay Maraykanka iyo Kuuba Xilligii Madaxweyne Obama uu xukumayey Dalka Maraykanka, laakiin arrintaasi hadda way isbeddeshay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka