Maayar Soo Jeediyey In La Laayo Dadka Isku Jinsiga Ah Ee Isku Taga

Alabama (HCTV) – Maayarka Magaalo yar oo ka mid ah Gobolka Alabama ee Dalka Maraykanka ayaa soo jeediyey in la laayo Dadka Isku Jinsiga ah ee isku taga.

Mark Chambers oo ah Maayarka deegaanka Carbon Hill oo ka mid ah Alabama ayaa Faallo uu ka bixiyey Qoraal ku saabsanaa Dadka Isku Jinsiga ah ee isku taga, wuxuu ku sheegay in Mushkiladda Dadkaasi Adduunka ku hayaan oo ah in Ubadka la laayo lagaga bixi karo oo keliya in la dilo halka Mushkiladdu ka imanayo “Dil Mushkiladda’ ayuu yidhi.

Laakiin, Hadalkii Maayarka ayaan ka koobnaan gudaha Facebook, balse arrintaasi waxay gaadhi Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha ee diiddan in la takooro Dadka isku jinsiga ah, waxayna markiiba ku baaqeen in Maayarku iscasilo.

Hase-ahaatee,  Mark Chambers ayaa Hadalkaa Raalli-gelin ka bixiyey sida uu ku soo warramay Telefiishan Magaciisu yahay WBRC oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka