Hargeysa: Askari Toogtay Askari Kale

Hargeysa: Askari Toogtay Askari Kale

Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad-Guuradda 26-Aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka JSL
Al-Shabaab Oo Gubay Gaadiid U Rarnaa Shirkaddo Ganacsi Oo Kenya Laga Leeyahay
Xisbiyada Somaliland Oo Soo Af-Jaray Khilaafkii Ka Taagnaa Doorashooyinka
Safiirka Somalia Ee Kenya Oo Beeniyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Safiirka Maraykanka Ee Kenya
Su’aalo Iyo Jawaabo: Waraysi Uu HCTV La Yeeshay Kornayl Caarre

Hargeysa (HCTV) – Askari ka mid ahaa Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee loo yaqaano RRU ayaa Askari kale ku dilay Magaalada Hargeysa.

Sida loo xaqiijiyey Telefiishanka HCTV, Askariga dhintay oo magaciisu ahaa Naasir Axmed Aadan (Naasir Wadaadyare) ayaa waxa toogtay Askari ka mid ahaa Ciidammada RRU-da, waxaanu falkan dilka ahi Arbacada Maanta ka dhacay Gudaha Xarunta Birmadka ee Magaalada Hargeysa.

Lama oga sababta keentay Dilka, Taliska Ciidammada Booliskuna weli kama hadal falkan.

Ciidammada Booliska ayaa Gacanta ku haya Askariga Dilka geystay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: