5 Qof Oo Ku Dhintay Roobab Xoogle Oo Ka Da’ay Dalka Uganda

Kampala, (HCTV) – Shan qof ayaa ku dhintay daraasiin kalena waa la la’yahay kadib markii roob xoogan oo sababay in dhulku soo go’o ay ka da’een buuraha Bududa ee bariga dalka Uganda, sida ay sheegtay hay’adda Laanqayrta Cas.

Ururkan bisha Cas ayaa sheegay in ku dhawaad 50 qof la rumaysan yahay inay maqan yihiin ama la la’yahay, halka 150 guri ay burbureen kadib markii roobabku ay soo jareen dhulka, habeenimadii Arbacadii oo roob weyni uu ka da’ay  buuraha sare Mount Elgon.

“Shan qof oo dhintay ayaa la xaqiijiyey,” Sidaasi waxa tidhi Afhayeen u hadashay ururka Laanqayrta Cas oo magaceeda la yidhaa Irene Nakasiita, waxaanay intaasi ku dartay in dadka dhintay ay ku jirto haweenay 73 jir ah iyo dhawr caruur ah.

“Waxa jira meelo badan oo dhulku uu soo go’ay,” oo ku yaala degmada Bududa, “balse hada Laanqayrta Cas waxa ay walaac ka qabtaa meelaha ugu daran ee ay waxyeelada roobku ka dhacday”, ayay tidhi Irene Nakasiita.

“Hawlwadeenada gudaha ee hay’adda Laanqayrta Cas waxa ay iyaguna ku biireen Bileyska ku jira dedaalada iyo sidii loo baadigoobi lahaa Maydadka dhiiqada ku hoos jira iyo kuwa la la’yahayba” ayay intaasi raacisay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA