Kenya Oo Qorshaynaysa Inay Koonfur Afrika Kula Tartanto Xarunta Waxbarashada Sare Ee Afrika

Nairobi, (HCTV) – Maamulka waxbarashada Qaranka Kenya ayaa sheegay inay horumarinayaan siyaasad dalkaasi ka caawinaya inuu soo jiito Ardayda caalamiga ah oo iskaga yimaada Afrika oo dhan iyo inay isku bedesho xarunta waxbarashada sare ee qaarada Afrika – waxaana hada kaalintaasi ku jira dalka Koonfurta Afrika oo wadada u xaadhay in kumanaan Arday oo caalami ahi ay yimaadaan dalkaasi sanad kasta.

Maamulkan waxbarashada qaranka Kenya ayaa doonaya in jaamacadaha ay wada shaqeeyaan hay’adaha dawlada si loo bilaabo dhawr talaabo oo dalka Kenya ka dhigi kara mid Ardayda soo-jiita, oo ay ka mid yihiin in kor loo qaado adeegyada nolosha iyo guryaha ay ardaydu ku noolaanayaan, in la sameeyo jadwal waxbarasho oo si cad u qeexan iyo in la sameeyo guddi hagta ardayda caalamiga si ay uga taageeraan waxbarashada.

“Waxa laga yaabaa inay jirto baahi (Jaamacadaha) ay isugu imanayaan iyo barnaamijkooda oo ay suuq geeyaan”

Sidoo kale waxa ay u baahan yihiin diiwaan dhab ah oo lagu xafido Ardayda si ay u cadaato goorta ay qalinjabinayaan iyo Shahaadada ay la tagayaan dalalkoodii, sidaasi waxa u sharaxay Agaasimaha Guud ee Maamulka Waxbarashada Qaranka Kenya Eusebius Mukhwana.

“Jaamacaduhu sidoo kale waa inay la yimaadaan guryo iyo goobo ku haboon arday caalami ah oo tiro badan,” ayuu yidhi Mukhwana.

“Waxaana loo baahan yahay in ay si wadajir ah isugu yimaadaan oo ay suuq geeyaan barnaamijkooda iyagoo isku dhan halkii ay mid mid ka noqon lahaayeen. Tanina waa waxa aanu soo jeedinayno hada ee aanu ka filayno in ay bilaabaan.”  Ayuu intaasi sii raaciyey Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Qaranka Kenya, Eusebius Mukhwana.

Dalka Koonfurta Africa ayaa wakhti xaadirkan ku jira kaalinta ugu saraysa ee Ardayda Caalamiga ah ee ka yimaada Afrika oo dhan kuwaas oo isku-geynta tiradooda lagu sheegay 45,142, halka Kenya ay tahay marka la barbar dhigo 4,782, sida ay muujisay xog ururinta UNESCO.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA